GLOBAL NEWS

Baar­la­maanka Juba­land oo la qeyb­sa­day iyo J/​dhexe oo Taari­ikh cusub yee­latay.


Kismaayo ( Afd­heer ) Sida ay xaqi­ijiy­een DG Juba­land waxaa dham­maa­day qeyb­sigii xild­hibaanada 15 degmo oo ay Juba­land ka kooban tahay.

Deg­mada Kismaayo oo ugu dambeysay ayaa loo qeysa­day :

2 xild­hibaan Harti

1 xild­hibaan Ab­same, Sade, Cowr­male, Gaal­je­cel, shi­iqaal, Baa­juun, Ja­reer, ………

Waxaa jira deg­mooyin ka tir­san gob­olka Gedo oo aan weli isku waafaqin beeluhu si­day u qeyb­san la­haay­een.

Qaabka loo qey­biyey gob­olka jub­bada dhexe ayaa mee­sha ka saaray gob­olka jub­bada dhexe oo loo yaqi­iney gobol Ab­same kadib markii uu Ab­same ka­soo helay 7 xild­hibaan.

Shax­dan cusub ee Maarso 2015 kadib wuxuu gob­olka j/​dhexe no­qon doonaa gobol xi­taa 50% aysan la­heyn bee­sha Ab­same, taa­soo la micne ah gob­o­lada jub­booyinka oo ay Ab­same sheegi jireen inay inta badan de­gaan ay ka no­qon doon­aan sad­dex meelood hal (1/​3).

Xild­hibaanada Juba­land ayaa no­qon doona 15×4= 60+5 Kismaayo = 65 wax­ayna bee­sha Ab­same heli doon­aan qiyaas ah 18-19 xild­hibaaN.

Dowlad gob­oleedka Juba­land wuxuu J/​dhexe u aqoon­sa­tay qiyaas 37% inay Ab­same ka deg­gan yi­hiin.