AF-SOOMAALI Doorashada Xubnaha Aqalka Sare oo ka bilaabatay Kismaayo… Published 9 years ago Dr Munye9y ago Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashada kursiga labaad ee aqalka sare qeybta Jubbaland , kaa oo ay ku tartamayeen Musharixiinta kala ah Axmed Xaashi Max’uud iyo Prof: Max’ed Cabdi Gaandi. Gudoonka baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in musharax Axmed Xaashi Maxamuud uu helay codad dhan 40 Halka musharax Proff: Max’ed Cabdi Gaandi uu ka helay codad dhan 26 Gudiga doorashooyinka dadban ayaa shaaciyay in uu guuleystay musharax Axmed Xaashi Maxamuud Waxay tani dhabar jab iyo lama filaan ay ku noqotay Maxamed Cabdi Gaandi oo la yaaban guul darrada ku habsatay qorshe muddo badan uu soo dhisayey. WhatsApp Facebook Twitter Email