GLOBAL NEWS

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Boqolaal Somali ah oo ay Dooni la Dagtay


Dowladda Somalia, ayaa maanta ka hadashay Geerida ugu yaraan 200 oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ay dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka Ambabaxay dalka Masar kuna socday dalka Talyaaniga.

Tahriibayaashan Soomaliyeed ayaa waxay ka mid ahaayeen illaa 400 oo qof oo ay dooni ka qaaday xeebaha Waddanka Masar kuna socday Talyaaniga, balse kula dagtay bartamaha Badweynta, halkaas oo ay intooda badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu qoysaska iyo ehellada dhallinyaradan Soomaaliyeed uu uga tacsiyeynayo geeridii ku timid

“Waxay dhallinyaradan ka baxeen Somali oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan,” ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Warbixintiisa, isagoo intaas ku daray inuu shilkaan muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyi-gelinta la xiriirta ka hor-taga tahriibka iyo safarrada khatarta ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale yiri. “Inkastoo Waddanka ay ka jiraan Duruufo adag, haddana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed, Waaliddiinta iyo Dowladda Soomaaliya ay ka Wada-shaqeeyaan sidii loo hakin lahaa Safarradaan khatarta ah ee Dhalinyaradeenna ay ku dhammaanayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Waxaa geerida 200 ee dhallinyarada Soomaaliyeed ah ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tacsi u diray ehellada dhallinyaradii naftooda ku waayay shilkaas, Allena uga baryay inuu Jannadiisa ka Waraabiyo.

“Guud ahaan Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyagoo aad uga Tiiraanyeysan 200 ee dhallinyarada ah ee ku geeriyooday badda Mediterranean-ka, kuwaas oo u badnaa dhallinyaro, waxay tacsi u dirayaan ehelladii iyo Soomaalida oo dhan, waxaana dhallinyaradan ay ka baxeen dalka Masar,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamad Cabdi Xayir [Maareeye].

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Somalia iyadoo la kaashaneysa Dalalka ay Arrintu khuseyso, ay baareyso sidii uu ku dhacay shilkan. Sidoo kale Safaaradaheenna Masar, Talyaaniga iyo Brussels ayaa ku hawlan soo ururinta Xogaha la Xiriira shilka iyadoo Bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonnaa wixii ka soo baxa baaritaannada socda.