GLOBAL NEWS

Maxaa laga Filan karaa Shirka Wada-tashiga Siyaasadda Soomaaliya ee Sannadka 2016-ka [FAALO]


Waxaa Muqdisho SHIR uga Socdaan Madaxda DF Soomaaliya, hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada, iyo wafuud heer caalami ah, kaa oo la sheegay in looga wadda hadallayo jihada siyaasada Soomaaliya ee hiigsiga sanadka 2016-ka iyo nooca doorashada suurtagalka ah in la qabto, madaama horay loo sheegay in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka oo wajigiisii hore furmay maalintii shalay waxaa xiiso badan u yeellaya ka qeyb-galka hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada dalka, madaama ay madasha wadda joogaan dhamaan madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, iyo Galmudug oo dhif iyo naadir aheyd in marar badan ay ka soo wadda muuqdaan shir lagu gorfeynayo arrimaha siyaasada Soomaaliya, taa oo laga yaabo in ay rajo badan ku abuurto xubnaha beesha caalamka ka socda oo u arki kara in uu jiro biseyl siyaasadeed oo ka muuqda hogaamiyayaasha Soomaalida.

Laakiin arrimuhu sidda uma sahlana oo dad badan waxaa ay su’aal galinayaa waxa suurta-galka ka dhigay in madaxda dowladda federaalka iyo hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada ka wadda qeyb-gallaan kulan looga wadda hadallayo siyaasada Soomaaliyda, iyadoo la og-yahay xurguta siyaasadeed ee ka dhax jirta dhinacyada isa soo hor fadhiya.

Tusalle ahaan Puntland iyo Jubbaland wax xiriir ah lama laha dowladda dhexe, waxaana jira is baheysi hoose oo ka dhaxeeya labada dowlad gobolleed oo siyaasad ahaan u arka dowladda dhexe mid xad-gudub ku ah sharciga iyo dastuurka dalka oo ay marar badan ay ku cel celiyeen.

Puntland ayaa siweyn uga careysan dhismaha maamul gobolleedka Galmudug oo ay u aragto mid aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga dalka u yaalla oo dhigaya in labo gobol iyo wixii ka badan noqon karaan dowlad gobolleed.

Dhinaca Jubbaland marka aad eegto horay ayeeyba u sheegtay in ay xiriirkii wadda-shaqeynta u jirtay dowladda dhexe, kaddib markii baarlamaanka federaalka uu sharci darro ku tilmaamay gollaha wakiilada maamulka Jubba ee mar kale soo doortay Axmed Madoobe.

Waxaa kaloo jira muran xoog leh oo ka dhax aloosan dhinacyada shirka kawada qeyb-galaya kaa oo salka ku haya marka horeba cidda ay tahay in loo tixgaliyo dowlad gobolleed, madaama Puntland ay isku aragto tan kaliya ee buuxisay sharuudii ka mid ahaanshaha nidaamka federaalka, halka dhinaca kalana Jubbaland isku muujineyso in ay ka gudubtay ku-meel-gaarka oo wixii hadda ka danbeeya loo tixgaliyo dowlad gobolleed rasmi ah.

Maamulada kale ee Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaad moodaa in ay farta ku godan tahay, balse markaad eegto shaqsiyaadka labada maamul ka socda ee kala ah Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xusseen Guulleed ayaa la oran karaa ma’aha kuwo sahlan oo si fudud looga gudbin karo, waayo waxaa ay udub dhaxaad iyo tiirar muhiim ah u yihiin siyaasada dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max’uud iyo xitaa marka aad dhinaca kale eegto gor-gortanka siyaasadeed ee sanadka 2016ka.

Ajandaha miiska saaran ee ah jidaha siyaasada Soomaaliya iyo nooca doorashada la fillayo in ay dalka ka dhacdo, ayaan la hubin sidda ay isku aragti uga wadda noqon karaan hogaamiyayaasha hoosta isaga wada ciil qaba ee haddana madasha kaliya ku wadda sugan.

Dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada Soomaaliya ayaa

qaba in shirka noocan oo kale ah ee gaarsiisan ilaa heer ‘’Qaran’’ (National Laval) loo baahnaa in waqti badan la siiyo lagana wadda qeyb-galiyo dhamaan dhinacyada ay quseyso oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka, laakiin sidda ay hadda wax u socdaan ayeey ku tilmaamayaan in ay jirto siyaasad qarsoon oo aan wali la shaacin.

Beesha caalamka oo saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya waxaa ay horay u sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin mudo korarsi, sidda daraadeed ay qasab tahay in laga wadda shaqeyso siddii leyskugu afgaran lahaa hanaan doorasho oo suurtagal ka dhigaya in dowladda hadda jirta badasho dowlad kale oo ku timid inta badan rabitaanka shacabka.

Hase ahaatee, illaa hadda lama garanayo nooca doorashada la qaadanayo mana sahlana in labada cisho ee soo socta dhinacyada ka wadda qeyb-gallaya shirka isku aragti ka noqdaan arrintaa iyada ah, madaama uu jiro kala shaki u dhaxeeya madaxda DF iyo hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada.

Waa wax dhici kara in ugu danbeyntii kulanka laga soo saaro war-murtiyeed dhinacyada oo dhan wadda saxiixeen kaa oo tilmaam ka bixinaya qodobada leysku afgartay, hasse ahaatee lama hubo sidda uu war-murtiyaadkaas ugu noqon doono mid daacada laga wadda –yahay oo dhab ahaan qeexaya Road Map siyaasada Soomaaliya iyo nooca doorasho ee hishiis lagu wadda yahay.

Ugu danbeyntii, inkastoo ay jiraan jilaafooyin siyaasadeed oo leysku dhigayo iyo caqabado shirka ku xeeran, haddana mar haddii ay wadda fashiyaan odayaashii garwadeenka ka ahaa siyaasada Soomaaliya, waxaa la leeyahay rajadu ma’ xuma oo ugu yaraan waxaa dhici karta in kulanka leyku cafiyo lana anba-qaado hanaan siyaasadeed oo lagu mideysan yahay iyadoo waliba laga faa’ideysanayo waqtiga kooban ka harsan mudada dowladda hadda jirta.