Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay 12 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Maalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gabagabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen gudiga qaban-qaabada.
Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah :
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
- Cabdiqaadir Cosoble Cali.
- Maxamuud Maxamed Culusow.
- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
- C/naasir Cabdulle Maxamed.
- Bashiir Raagge Shiiraar
- Amb. Maxamed Cali Ameeriko
- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
- Jabriil Ibraahim Cabdulle
- C/raxmaan C/shakuur Warsame
- Xasan Sheekh Maxamuud
Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay oo ah maalinta beri ah .