GLOBAL NEWS Prof. Galeydh oo Isku-shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada Maamulka Khaatumo Published 10 years ago Dr Munye10y ago Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali khaliif Galayr ayaa isku-shaan-dheyn ku sameeyay golaha wasiirrada maamulkiisa, isagoo magacaabayna qaar cusub, wasiirradan oo dhammaantood lagu dhaariyay isla goobtaasi. Wasiirrada uu Galeydh magacaabay ayaa kala ahaa; Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo isku-xidhka Fedaraalka, Maxmuud Ismaaciil Shabac. Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo isku-xidhka Federaalka, C/xakiin Faarax dhaaye. Wasiir ku-xigeennada isla wasaaraddan, Maryama Xasan Diiriye iyo Safiya Cali caateeye oo ku xigeenka labaad ah. Wasiirka Arimaha Gudaha, Axmed Maxamuud Doolaal. Wasiir ku xigeenaduna waxay kala yihiin; Abshir C/casiis Sheekh Maxamuud iyo C/llaahi Jaamac Diiriye. Wasiirka Maaliyadda, Xasan Muuse Cawil, Wasiir ku-xigeennada Maxamed Cali Bashiir iyo C/rashiid Xaaji Axmed. Wasiirka Amniga, Keyse Cabdi Yuusuf. Wasii-u-dowlaha, Faarax Maxamed Xasan Falaalug. Wasiir ku-xigeenka, Faarax Maxamed Cashuur. Wasiirka Caafimaadka iyo Haweenka, Iidle Dubad. Wasiir-u-dowlaha C/risaaq Siciid Faarax. Wasiirka Waxbarashada Isboortiga iyo dhallinyarada, Cabdinaasir Cali Caynab. Wasiir ku-xigeenka, Faysal Muuse Dheri. Wasiirka Kheyraadka iyo Biyaha, Mukhtaar Ciise Faarax. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Maxamuud Cali Faraax. Wasiir ku xigeen, Siciid Maxamed Mire. Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Axmed Xaaji Cali. Wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, C/rashiid Cawil Cadi Hiirad. Wasiir ku-xigeen C/qani Khaliif Faarax. Waxa kaloo madaxwaynuhu magacaabay saddex guddi oo ka kooban mid wada-xaajoodka ah, mid dhaqaale iyo guddiga difaaca. Waxayna kala yihiin; Guddiga Wada-xaajoodka; Cisman Xasan Xaaji Cumar. 2. Cali Ciise abdi 3. Nuur Maxamed Gaas 4. Mohamed C/raxaan X Ibrahin 5. C/rashiid Macain Faarax Guddiga Dhaqaalaha; Cali Xaaji Cige 2. Axmed Mohamed Adan 3. Saleebaan Abdi Ducaale 4. C/qaadir Ahmed Xandule 5. Cali Maxamuud Dafir 6. Maxamed Jibriil 7. Ubax Olol 8. Kinsi Maxamed Cabdi 9. Sahra Cabdi Xab-xab Guddiga Amniga iyo Difaaca; Maxamed Macallin Faarax 2. Maxamed Mire 3. Daahir Maxamed Nuur 4. Warsamed Seeraar 5. Abdi Warsame Dhuub 6. Axmed Maxamed Cabdi 7. Cumar Biixi Ducaale Ugu dambeyn, isku-shaan-dheyntaan oo ka dhacda deegaanka Bali-Cad oo 90-KM dinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu madaxweynuhu ku sameeyo wasiirrada xukuumadiisa. WhatsApp Facebook Twitter Email