GLOBAL NEWS

Shir ku saab­san dooroshooyinka sanadka 2016 oo maanta ka fur­maya ma­g­a­al­ada Garowe


Shirka looga had­layo Hi­igsiga sanadka 2016 ayaa maanta waxaa uu ma­g­a­al­ada Garowe ee Caasi­mada Punt­land ugaga fur­mayaa Madaxwey­naha dowladda Fed­er­aalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad gob­oleedyada, iyadoo shirkan uu daba socdo shirkii bishii Febraayo ka dha­cay Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Garowe ayaa la filayaa in shirkan uu furo, iyadoo looga tashanayo hiigsiga sanadka 2016 oo la rajeynayo in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo. Sidoo kale arrimaha looga hadlayo waxaa ka mid ah dhameystirka maamulada iyo hirgelinta federaalka, waxaana shirka marka uu dhamaado laga soo saarayaa war murtiyeed ku quseeya xaalada Soomaaliya iyo sanadka 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sha­lay ka shee­gay ma­g­a­al­ada Garowe in dowladda dhexe iyo Maa­mul gob­oleedyada dalka ka jira ay ka ar­rin­sanayaan sidii looga wada qeyb qaadan la­haa dhis­maha dowlad­ni­mada Soomaaliya iyo in dalka Soomaaliya la gar­si­iyo isku fil­naan­sho bu­uxa oo ay dadka oo dhan ku mideysan yi­hiin.

Shirkii hore ee Muqdisho ka dha­cay ayaa ka soo baxay go’aamo la xiri­ira xoo­jinta ku­la­mada wa­datashiga, hi­igsiga 2016, Cahdiga Cusub, isku dhafka ci­idammada iyo ar­rimo kale oo khuseeya qaran­i­mada dalka.

Madaxwey­nayaasha Maa­mu­lada Jubba iyo Koo­fur Gal­beed Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa goor dhow la fi­layaa inay gaaraan ma­g­a­al­ada Garowe, si ay uga qeyb galaan shirkan oo ah mid hal maalin ah.

Am­maanka ma­g­a­al­ada Garowe ayaa si aad ah loo ad­keeyay, iyadoo ci­idamo la dhi­gay wadooyinka, xaafadaha iyo duleedyada ma­g­a­al­ada, wax­aana ma­g­a­al­ada laga da­reemayaa is be­del ka duwan tii ay ku jir­tay, maadaama ay marti gelineyso madax kala duwan.