GLOBAL NEWS

Wasaarada Haweenka oo ka hadashay Dhaliishii Culumadu ay u soo jeediyeen Sharciga JINSIGA


Wasaaradda Haweenka Somalia, ayaa intii lagu guda jiray bilihii hore ee Sannadkan waxa ay Golaha Wasiiradda hore geeyeen Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Jinsiga kaasoo ka halayo Waxyaabo badan oo illaalinayo Gender-ka – Jingsiga oo ah qoyska, ee ka kooban Hooyadda, Aabaha iyo Caruurta.

Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National Gender Policy ) oo ka haleyso saro u Qaadista Waxbarashada Haweenka, Amniga, Ka-qayb-galka Syaasadda, u sinaanta shaqada Raga iyo Dumarka , Ka hortaga Gudniinka Fircooniga iyo illaalinta xaquuqda haweenka soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa illaa iyo saddex jeer lagu soo celiyay ugu danbeyntii ayay golaha wasiiradda soomaaliya meel mariyeen Bishii May, balse Dowladda FS ayaa hore looga dalbaday in ay saxiixo hishiiyadda caalamiga ee haweenka quseeya oo uu ka mid yahay hishiiska.

CEDAW oo la qoray Sanadkii 1979-kii, wuxuu dhigayaa tusaale ahaan marka uu ka hadlayo dhanka siyaasadda iyo nolosha guud, qodobkiisa 7aad: in ragga iyo dumarku u siman yihiin habka codeynta iyo doorashada, sidaas oo kalana ay ka siman yihiin qabashada xilalka dowladeed, iyada oo aan kala sooclahayn.

Isla Qodobkiisa 16-aad, waxa uu sheegayaa in haweenka iyo raggu u siman yihiin dhanka Guurka, oo gabdhuhu ay dooraan karaan guurka Qofkii ay doonayaan, waxa kale oo uu dhigayaa in dumarku ay dooran karaan tirada carruurta ay dhalayaan, waxa kale oo uu intaas ku darayaa Axdiga CEDAW.

Iyadoo halkaas laga anbaqaadayo ayay Wasaaradda Haweenka sheegtay In aysan qaadan Waxyaabaha ku Qoran hishiisyadda Caalamiga ah, ee aanan lagu soo darin Siyaasadda Qaran ee Jinsiga maadaama ay yihiin ummad muslim ah oo dhaqan iyo diinba ka soocan bulshooyinka kale.

Iyaddoo ay xaaladu halkaasi tahay ayay Hey’adda Culumadda Soomaaliyeed 28 Bishii June sanadkan 2016 waxa ay soo saareen bayaan ay kaga soo hore jeedaan Qodobo Ku jira Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National gender Policy) iyaga oo eegaya Meelaha ay iska Lahaan Karaan Hishiiska CEDAW oo aan kor ku soo xusnay qeyb ahaan ,culumaddu waxa ay si cad u qeexeen in hishiiska ay ku jiraan waxyaabo ka hore imaanayo diinta islaamka sida

  1. In uu baneenayo sinada ,loona Arko Xaq biniaadamku leeyahay,
    2. in la baneenayo 2 qof oo isku jinsi ah (2 Rag iyo 2 Dumar ah) ah ay is guursan karaan.
    3. In la baabi’iyo masuuliyadda uu ninku ku leeyahay qoyska.
    4. In gabadha is guurin karto waxna guurinkarto waxna furi karto.
    5. Waxay amrayaan in la daahiyo Guurka Sharciga ah Albaabadana loo furo Sinada.

Qodobbadan ayaa waxay ku xusnaayeen bayaankii ay soo saareen culumadda Gaar ahaan hey’adda Culummadda Soomaaliyeed, Taasoo aragagax ku abuurtay guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed waxayna Shacabka ku Baraarugeen Raadinta Qoraalka Siyaasadda Qaran ee Jinsiga si ay uga baaraan qodobada bayaanka ku soo baxay

Waxaa hadalka Culumada Ayiday, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee XFS oo Qoraal ka soo Saartay ,Waxaa hadalkaas ka Weeciyay Laamaha Fulinta qaar sida wasaarada Warfaafinta iyo Hanuuninta Shacabka oo sheegatay in waxyaabaha ay Culumadda sheegeen aanan meesha oolin si qaldana loo fasiray Siyaasadda Qaran ee uu golaha meel mariyay hoor sii horeysay.

Sidoo kale, 30-kii bishii hore ee Juun, ayaa xarunta madaxtooyadda looga yeeray Culumadda soomaaliyeed si wax looga su’aalo bayaanka ay soo saareen iyo Siyaasadda Qaran waxa iska galay, ama ay isaga mid yihiin waxaa kaloo la su’aalay sababaha ay ugu hanjabeen dumarka, qaarkood ayaa soo jeediyay in ay a bixinayaa raali galin balse golaha ayaanan ku qancin raali galintaasi waxaana muran dheer gadib lasku afgartay in loo xirsaaro gudi xaqiiqo raadin ah.

Wasaaradda Haweenka oo aanan si caam ah uga hadlin muranka lagaliyay Siyaasadda Qaran ee Jinsiga waxa ay Qabatay Shir Saxaafadeed ay kaga hadashay hadalka hey’adda Culumadda ey kaga soo horjeesteen qoraalka Siyaasadda Jinsiga oo aanan wali baarlamaanka la geyn, madaxweynuhuna saxiixin.

Dhanka kale, Wasiirradda Haweenka ayaa sheegtay in culumadda ay ka tallo galiyeen Siyaasadda Ay muranka ka keeneen waxa ayna tiri waxa aan nahay dowlad islaam ah marna nagama suurtoowdo in aan aqbalno waxyaabaha ka soo horejeedo diinta islaamka, CEDAW waxa aan ka qaadaneynaa haddii aan saxiixeyno meelaha aanan diinteena dhaawici Karin ee ummad ahaan nagu haboon.

Ugu dambeyntii, Waa sheekooyin sii jiri doono inta aan xal waara loo helin qodobada ay tumayaan Culumadda ee ku jira Sharciga CEDAW balse aanan lagu soo darin Siyaasadda Qaran ee Jinsiga , Waana Digniin Ay Culumadda ka sii bixinayaa ka fooginaanta waxyaabaha dhaawaci kara diinta ee ku jira Hishiisyadda Caalamiga ah.